Somali Pro Clubs Cup - Jetzt registrieren

Zusammenfassung

๐— ๐—ฅ_๐—ง๐—”๐—ฌ๐—” kรผndigt den Somali Pro Clubs Cup an, ein Turnier zur Vereinigung somalischer Teams, Registrierung von 7+ Spieler-Kadern und Talentfรถrderung. Details zu Regeln und Anmeldung.

๐Ÿ“ข ๐Ž๐…๐…๐ˆ๐‚๐ˆ๐€๐‹ ๐€๐๐๐Ž๐”๐๐‚๐„๐Œ๐„๐๐“ โ€“ ๐’๐Ž๐Œ๐€๐‹๐ˆ ๐๐‘๐Ž ๐‚๐‹๐”๐๐’ ๐‚๐”๐ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ†

Asc dhammaan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Pro Clubs.

Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno furitaanka Somali Pro Clubs Cup, tartan loogu talagalay kooxaha Soomaaliyeed ee doonaya inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee Pro Clubs.

Ujeeddada ugu weyn ee koobkan ma aha oo keliya in la qabto tartan, balse waa in la abuuro bulsho mideysan oo Soomaaliyeed, lana soo saaro kooxo iyo ciyaartoy tayo leh oo mustaqbalka matali kara Soomaaliya tartamada waaweyn ee heer caalami.

๐ŸŽฏ Himiladeenna

- In la mideeyo dhammaan kooxaha Soomaaliyeed ee ciyaara Pro Club.
- In la abuuro tartamo tayo leh oo joogto ah.
- In la kobciyo xirfadaha ciyaartoyda Soomaaliyeed.
- In la dhiso kooxo awood u leh inay Soomaaliya ku matalaan tartamada caalamiga ah.
- In magaca Soomaaliya uu ka dhex muuqdo bulshada Pro Clubs ee dunida.

๐Ÿ“‹ Shuruudaha Kooxaha

  • Koox kasta waa inay leedahay ugu yaraan 7 ciyaartoy oo firfircoon.

  • Koox kasta waa inay leedahay:

    • Labo shakhsi oo masuulo ah

    • Captain

    • Captain ku-xigeen
  • Captain-ka iyo Captain ku-xigeenka waa inay noqdaan xubno masโ€™uul ka ah kooxha ey matalaayan.

  • Koox walba waa inay si buuxda u ixtiraamtaa xeerarka iyo jadwalka tartanka.

๐Ÿ“ Diiwaangelinta Kooxaha

Kooxaha doonaya inay ka qayb galaan waa inay soo gudbiyaan:

- Magaca Kooxda
- Magaca Captain-ka
- Magaca Captain ku-xigeenka
- Liiska ciyaartoyda kooxda

๐ŸŽฎ Ciyaartoyda Aan Kooxda Lahayn

Haddii aadan koox lahayn:

- Waad is diiwaangelin kartaa.
- Waxaa lagu dari doonaa koox u baahan ciyaartoy.
- kaliya waa inad noqota qof ixtiraama kooxda markas ad ku biirto
- Ciyaaryahan kasta wuxuu heli doonaa fursad uu kaga qayb qaato koobka.

๐Ÿ“ข Fariin Muhiim Ah

Bulshada Soomaaliyeed ee Pro Clubs waxay leedahay ciyaartoy badan oo tayo sare leh. Hadda waa waqtigii aan mideysan lahayn, aan abuuri lahayn tartamo rasmi ah, isla markaana aan soo saari lahayn kooxo Soomaaliyeed oo mustaqbalka ka qayb gala tartamada heer caalami.

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด Ma qabaneyno koob keliya, waxaan dhiseynaa, mustaqbalka dhalinyarada ciyaarta Pro Clubs-ka.
muhiimadeenu waa inaan soo saarno dhalinyaro Gamers ah oo firfircoon adunkana wax la qeybsada.

mahad sanidin๐Ÿซก

Join on Discord

15 views

Das Neueste von ๐— ๐—ฅ ๐—ง๐—”๐—ฌ๐—š๐—”

Jimco Mubaarak: Segenswรผnsche zum Freitag bei MR TAYGA

๐— ๐—ฅ ๐—ง๐—”๐—ฌ๐—š๐—” teilt eine Jimco-Mubaarak-Botschaft mit seiner Community und ermutigt zum Freitagsgebet, zum Gedenken an Allah, zu Bittgebeten, Segenswรผnschen fรผr den Propheten Muhammad ๏ทบ und โ€ฆ

MR_TAYGA feiert 600 Mitglieder

MR_TAYGA feiert den Meilenstein von 600 Mitgliedern, dankt der Community und betont den Zusammenhalt mit One Team One Family One Goal. Die Ankรผndigung hebt den โ€ฆ

Jimco-Wanaagsan-Ankรผndigung โ€“ MR_TAYGA

Der ๐— ๐—ฅ_๐—ง๐—”๐—ฌ๐—”-Server kรผndigt gemeinschaftliche Gebete und Duas an Jimco wanaagsan fรผr verstorbene Mitglieder an. Die Nachricht ruft die muslimische Gemeinschaft zu Salaat, Segen und gemeinsamem โ€ฆ

MR_TAYGA feiert 500 Mitglieder

Der ๐— ๐—ฅ_๐—ง๐—”๐—ฌ๐—” Discord gibt das Erreichen von 500 Mitgliedern bekannt und feiert das Wachstum der Tayga-Familie. Die Ankรผndigung hebt das Team, die Gamer, Events und โ€ฆ