Somali Pro Clubs Cup - Register Now
Summary
๐ ๐ฅ_๐ง๐๐ฌ๐ announces the Somali Pro Clubs Cup, a tournament for Somali Pro Clubs teams to unite, register 7+ player squads and develop talent. The announcement details eligibility, captain and vicecaptain requirements, registration steps, and options for free agents. This cup aims to build a unified Somali Pro Clubs community and prepare teams for international competition.
๐ข ๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ โ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ธ๐ด๐
Asc dhammaan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Pro Clubs.
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno furitaanka Somali Pro Clubs Cup, tartan loogu talagalay kooxaha Soomaaliyeed ee doonaya inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee Pro Clubs.
Ujeeddada ugu weyn ee koobkan ma aha oo keliya in la qabto tartan, balse waa in la abuuro bulsho mideysan oo Soomaaliyeed, lana soo saaro kooxo iyo ciyaartoy tayo leh oo mustaqbalka matali kara Soomaaliya tartamada waaweyn ee heer caalami.
๐ฏ Himiladeenna
- In la mideeyo dhammaan kooxaha Soomaaliyeed ee ciyaara Pro Club.
- In la abuuro tartamo tayo leh oo joogto ah.
- In la kobciyo xirfadaha ciyaartoyda Soomaaliyeed.
- In la dhiso kooxo awood u leh inay Soomaaliya ku matalaan tartamada caalamiga ah.
- In magaca Soomaaliya uu ka dhex muuqdo bulshada Pro Clubs ee dunida.
๐ Shuruudaha Kooxaha
-
Koox kasta waa inay leedahay ugu yaraan 7 ciyaartoy oo firfircoon.
-
Koox kasta waa inay leedahay:
-
Labo shakhsi oo masuulo ah
-
Captain
- Captain ku-xigeen
-
-
Captain-ka iyo Captain ku-xigeenka waa inay noqdaan xubno masโuul ka ah kooxha ey matalaayan.
-
Koox walba waa inay si buuxda u ixtiraamtaa xeerarka iyo jadwalka tartanka.
๐ Diiwaangelinta Kooxaha
Kooxaha doonaya inay ka qayb galaan waa inay soo gudbiyaan:
- Magaca Kooxda
- Magaca Captain-ka
- Magaca Captain ku-xigeenka
- Liiska ciyaartoyda kooxda
๐ฎ Ciyaartoyda Aan Kooxda Lahayn
Haddii aadan koox lahayn:
- Waad is diiwaangelin kartaa.
- Waxaa lagu dari doonaa koox u baahan ciyaartoy.
- kaliya waa inad noqota qof ixtiraama kooxda markas ad ku biirto
- Ciyaaryahan kasta wuxuu heli doonaa fursad uu kaga qayb qaato koobka.
๐ข Fariin Muhiim Ah
Bulshada Soomaaliyeed ee Pro Clubs waxay leedahay ciyaartoy badan oo tayo sare leh. Hadda waa waqtigii aan mideysan lahayn, aan abuuri lahayn tartamo rasmi ah, isla markaana aan soo saari lahayn kooxo Soomaaliyeed oo mustaqbalka ka qayb gala tartamada heer caalami.
๐ธ๐ด Ma qabaneyno koob keliya, waxaan dhiseynaa, mustaqbalka dhalinyarada ciyaarta Pro Clubs-ka.
muhiimadeenu waa inaan soo saarno dhalinyaro Gamers ah oo firfircoon adunkana wax la qeybsada.
mahad sanidin๐ซก